Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjireyaasha waddamada Islaamka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho afur ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Islaamka ee ku sugan dalka.

Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa kulankaasi si kooban uga wadahadley xaaladda dalka Soomaaliya, mushkiladaha ka taagan dalalka Islaamka iyo guud ahaan arrimaha amniga caalamka.

Danjireyaasha ayaa soo dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tallaabsatey, iyagoo dhanka kale ballanqaadey inay talo iyo taageeraba la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan afurka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A3075

IB0A3066

IB0A3093

IB0A3138

IB0A3169

IB0A3225

IB0A3241

IB0A3167

IB0A3178

IB0A3256

IB0A3260

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor