Madaxweynaha oo Addis Abeba kaga qeybgalayo Shirweynaha 26-aad ee Madaxda Afrika+ SAWIRO.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, si uu uga qeybgelo Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado inuu maanta furmo.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha.marka la gaaro sannadka 2020.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

2

3

 

4

7

5

6©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor