Madaxweynaha oo Addis Ababa kula kulmey diblomaasiyiin ka tirsan AMISOM iyo Qaramada Midoobay

Addis Ababa, 1 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Addis Ababa kulamo kula qaatey iyo diblomaasiyiin caalami ah.

Madaxweynaha waxaa uu kulan looga hadley doorka AMISOM ee arrimaha Soomaaliya uu la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira .

Kulankaasi ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhammaadka bishan magaalada Djibouti uu ka dhici doono shir madaxeed gaar ah oo ay isugu imaan doonaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.
AMISOM ayaa sidoo kale taageertay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya ku tallaabsatey.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan la yeeshay Xoghayaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay Mr Carlos Lopes.

Kulanka ayaa waxaa looga hadley qaabka ugu habboon ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay door uga qaadan karo dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya.

—————————-DHAMMAAD—————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor