Madaxweynaha Nigeria oo Socdaal caafimaad ugu ambabaxay dalka Britain.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalkaasi ayaa sheegay inuu Madaxweyne Muxamadu Buhaari maanta ambabaxay, si uu isugu soo sameeyo Baaritaan Caafimaad, lana filayo inuu shaqada dib ugu soo laaban doono bisha soo socota ee February 6-da.

Madaxweyne-ku-xigeenka Nigeria, Yemi Osinbajo ayaa si KMG xilka u sii wadi doona inta uuka soo laaban doono Madaxweyne Buhaari.

Afhayeenka ma uusan faahfaahinin xaalladda daaweynta ee uu u ambabaxay Madaxweynaha oo da’da 70-aadka ku jira.

Bishii June ee sannadkii hore, Madaxweynuhu waxa uu socdaal qaatay 10-maalmood ku tegay London, isagoo laga soo daaweeyey xanuun ka hayey dhegta.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor