Madaxweynaha Mareykanka oo Maanta Booqanaya Kenya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barak Obama ayaa Saakay ama Galabta booqan doonna Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ka soo degi doonna Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta oo aad loo adkeeyay Ammaankiisa.

Obama ayaa booqasho ku joogi doona Kenya muddo Seddex Cisho isagga oo furi doona Shir weyne looga hadli doono arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo socon doona Laba Cisho.

Obama waxa ka maqan booqashadiisa marwada Koowaad ee Mareykanka  Michelle Obama iyo Labadooda gabdhood Malia iyo Sasha Obama.

Obama ayaa Maalinta Axada La hadli doono Shacabka Reer Kenya waxana uu jeedin doona qudbad taariikhi ah sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation Ee Dalka Kenya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor