Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta La Filayo Inuu Dib Ugu Laabto Baydhabo

Mudane Shariif Xasan Sheekh Adan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Dalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa inuu dib ugu laabto Magaaladda Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa Safar ugu maqnaa qaar kamid ah Dalalka Deriska waxana uu tagay Dalka Kenya iyo Deegaanka ismaamulka Soomaalida Dalka Itoobiya.

Ammaanka Magaaladda Baydhabo ayaa Saakay aad loo adkeeyay Waxana laga dareemayaa Magaaladda Soo dhaweynta Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor