Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo dib ugu laabanaya M/Cadaado

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa la xaqiijiyay in Maalinta Berito oo Axad ah uu tegi doono Magaalada Cadaado ee Xatrunta KMG,ka ah ee Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Galmudug.

Xaaf,ayaa maalmahaan waxa uu ku sugnaa Caasimadda dalka Somaaliya ee muqdisho,kadib markii uu ka soo laabtay shirkii uu uga qeybgalay Magaalada london ee dalka Ingiriiska.

Warar ay heleyso idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayan in Maalmaha soo socda Magaalada Cadaado ay ka dhici doonto munaasabad lagu Caleemo saarayo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa horay u sheegay in kadib Caleemo saarkiisa in uu bilaabayo qorsho uu isugu keenayo dadka ku nool deegaanada Galmudug islamarkana uu wadahadalo u furi doono madaxda maamulka Ahlusuna Wal-Jamaaca oo hada Maamula qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media