Madaxweynaha: ‘’Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya marna ma hakin doonaan inay ugaarsadaan argagixisada UGUS ee ka soo horjeeda nabadda shacabka’’

Djibouti:, 27 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya aaney marnaba hakin doonin dagaalka ay kula jirto kooxda caadeysatey dilka maatada iyo shacabka aan waxba galabsan ee Al Shabaab.

Madaxweynaha oo magaalada Djibouti u jooga shirka waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ku gorfeynayaan xaaladda amniga iyo hawlgallada AMISOM, ayaa sheegay in Al Shabaab ujeedkeeda uu cad yahay, ayna doonayaan inay shacabka xasuuqaan, barakiciyaan, isla markaana ay nabadda horjoogsadaan.

“Kooxdan argagixisada ah ee diinta ku gambaneysa waxay markii ay jab ba’an la kulantey dooneysaa inay shacabka taageero kaga raadsato si khasab iyo argagixin leh. Wixii shaley ay sameeyeen ee ay shacab waddooyinka iska marayey ku laayeen waxay caddeyn u tahay in Al Shabaab ay ku faanto daadinta dhiigga shacabka masaakiinta ee nabadda u ooman. kooxda UGUS waa inay ogaataa in laamaha amniga ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay kooxaha argagixsada dalka uga sifeyn lahaayeen’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo ehaladii ay ka baxeen shuhaddadii ka tirsaneyd shacabka iyo ciidammada amniga ee ku naf waayey weerarka fuleynimada ah ee Al Shabaab, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna Ilaahay uga baryey inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha ammaan u jeediyay ciidammada amniga sidii geesinimada lahayd ee ay ugu baabac dhigeen cadowga shacabka iyo diinta ee Al Shabaab.

————————DHAMMAAD————————-

Daud Aweis 
Afhayeenka Madaxtooyada 
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya 
Email: [email protected] 
www.villasomalia.gov.so 
Djibouti

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor