Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baraawe ka dhagax dhigay Xarun Muhiim ah

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed maadaama si KMG, ah ay u degan yihiin Masuuliyiinta Maamulkaas Magaalada Baydhabo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baraawe ayaa ku so dhaweeyay halkaas,waxana intaas kadib uu dhagax dhigay Garoon Diyaaradeed oo ay yeelaneyso Magaalada Baraawe maadaama ay horay u laheyd Dekad Weyn.

Shariif Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baraawo waxa uu kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta degmadaas isagoo kala hadli doona arimaha amniga iyo waliba dib u dhiska Xarumaha Maamulka.

Goordhow la socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media