Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Ku Baaqay in La Joojiyo Beegsiga Ajaanibta

Madaxweyne Jokob Zuma oo qudbad ka jeediyay Baarlamaanka Dalka Koonfur Afrika Ee Magaaladda Cape Town ayaa u baaqay in la joojiyo Rabshadaha isir neceybka ku saleysan ee lagu haayo Dadka ajaanibta ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jokob Zuma ayaa sheegay iney soo arkeen Shilal laga naxo iyo kuwa aan la aqbali karin oo lagu bartilmaamedsaday Dadka Afrikanka ah ee ku sugan Koonfur Afrika.

Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku dhimatay Rabshadaha Koonfur Afrika Labadii Toddobaad ee la soo dhaafay.

Rabshadaha ugu xoogan ayaa ka jira Magaaladda Durban,Johannesburg iyo Magaalooyin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor