Madaxweynaha Khaatuma oo loo diiday in uu tago Magaalada Buuhoodle

Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalan karta gacan ka hadal taas oo ay wadaan maleeshiyaad hubeysan.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan  deegaanka Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Puntland.

.Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay ka soo horjeedaan talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ee ah in uu ku biiray mudo wadahadal kadib Maamulka Soomaaliland oo dhowr jeer uu dagaal la galay.

Ciidamada ayaa Cali khaliif u diiday in uu tago magaalada Buuhoodle iyagoo ka soo horjeeda heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Maalin ka hor  kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo  Khaatumo oo uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galeyr.

Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan xaaladeeduna waa ay  kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Soomaaliland iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ku kacsan Cali Khaliif Galeyr.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatuma oo ku sugan Magaalada Buuhoodle oo aan  la xiriirnay  ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino waxa ay ka ogyihiin xiisadaan iyo waliba Maleeshiyaadka Hubeysan ee Cali Khakiif Galeyr uu diiday in uu tago Magaalada Buuhodle ee gobolka Togdheer

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media