Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay In Caalamku Uu u Istaago Xalka Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, oo ka hadlayay shirka 70th  ee Golaha Guud ee QM, ayaa sheegay in caalamku uu u istaago taageerida Gobolka gaar ahaa wadamada Somalia iyo Koonfurt Sudan si loo dhameeyo khilaafaadka dhinacyada bada ee dalalkaasi ka taagan.

“Kenya waxaa ka go’an sii wadida doorka muhiimsan ee ay ka ciyaareyso taageerida dalalkaasi, iyo dhamaan gobolka si loo sii amba qaado wada shaqeynta gobolka iyo midka kale ee Caalamka” ayuu ku sheegay qudbadiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kenya ay fulineyso sii wadida doorka ay ka leedahay Bulshooyinka Caalamka, xoojinta ammaanka dalkeeda iyo midka soomaaliya.

Kenya ayaa waxaa ka jooga soomaaliya ciidamo badan, oo kamid ah howgalladda Midowga Africa ee AMISOM, waxaans sidoo kale Kenya ay dalkeeda gudihiisa uu dagaal kula jirtaa xarakada Al Shabab.

Diplomaasiyiinta Gobolka ayaa sheegaya in nabada soomaaliya ay muhiim ay u tahay amniga iyo deganaashaha Kenya , maadaama ay xuduud wadaag yihiin.

Ugu dambeyn Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in somaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir taariiqeed oo adag, Gacsi iyo dhaqan, sidaasi darteenta ay labada bulsho ay ka faa’ideystaan, somaliya ayaa uu sheegay in wali ay dhibaato la kulmeyso oo caalmaka iyo Kenya ay xanuun ay ku wada heyso, waxaana uu sheegay in laga bixi doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor