Madaxweynaha Kenya oo qaabilay Danjirihii hore ee Somalia u fadhiyey Kenya

Munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Kenya ayaa waxa uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku qaabilay Danjiraha Somalia ee xilka ka sii degayo, Ambassador Mohamed Ali Nuur America.

Madaxweyne Kenyatta iyo AmbassadorAli America, waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labad dowladood.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxa uu Danjire Amerika ku ammaanay sida uu uga soo dhalaalay gudashadda hawlihiisa toddobadii sanno ee uu xilka  Safiirka hayey.

Twitterka Uhuru Kenyatta ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalo muujinaya qaabilladda Labadaa Mas’uul, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed iyo Mas’uuliyiin kale.

AMERIKA IYO UHURU 1 AMERIKA IYO UHURU 2 AMERIKA IYO UHURU

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor