Madaxweynaha Jubbaland oo soo saaray Farriin ku socota Ganacsatada deegaanada Maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa salaada ciida kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Khudbad uu Madaxweynahu salaada kahor jeediyay wuxuu kaga hadlay Waxbarashada dhaqaaalaha dib u dhaca dalalka Islaamka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horayn wuxuu sheegay in Waxbarashada wadanka uu kobac xoog leh ka muuqdo si gaar ahna ay Jubbaland guulo ka gaartay tartamadii ugu danbeeyay oo ahaa kuwo muujinaya halka ay tacliinta dalku gaarsiisan tahay.

Dhalinyarada ayuu ku booriyay in wakhtigooda ay galiyaan waxbarashada iyo kororsiga cilmiga oo ayna kaga mashquulin waxyaabo aan Mustaqbalka u wanaagsanyn.

Ganacsatada ayuu ugu baaqay in dhaqaalaha uu ilahay siiyay ay kaga qayb qaatan wakhtiyada adag u gurmashada Bulshada oo ay gacan ka siiyaan Dowlada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhaqaalaha ganacsatada gacanta ugu jira uuna waxba uga dhignayn hadii aanay dib ugu celin Bulshada oo ah halkii ay markii horaba kasoo saareen.

Wuxuu ugu baaqay in ay door muuqda ka qaatan dib usoo kabashada Bulshada si gaar ah dadka ay masiibooyinku saameeyeen oo gargaar u baahan.

Madaxweynahu wuxuu kaloo ka hadlay daagalka Al-Shabaab iyo sidii looga hortagi lahaa fikirkooda qalafsan oo mararka qaar dhalinyarada iyo Bulshadaba dhib weyn ku ah hadii aan laga hortagin waliba si wadajir ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu Madaxweynahu sheegay in Al-Shabaab Khilaaf weyn uu soo kala dhexgalay isla markana ay burbureen oo kala tag ay qarka u saaran yihiin.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalka Al-Shabaab uu macno samaynayo marka hoos laga soo bilaabo oo dhagarta ay Bulshada u maleegayaan qof walbaa uu fahmo taasna isku tashi lagu gaari karo oo inta yar ee ku hartay lagu soo afjari karo.

Mar uu ka hadlayay dhibaatada ka taagan dalalka Islaamka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in loo baahan yahay isku duubni iyo wadajir mar walbana dhibka uu ka yimaado umada oo aan is walaalaysan oo kala irdhowda.

Dhamaaan Dunida Muslimka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in maalmahan barakaysan ay uga faa’iidaystaan walaalnimada iyo wadajirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media