Madaxweynaha Jubbaland oo Safar aan horay loo Shaacin ku tagaya Gobolka Gedo

Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in uu booqdo qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo ka mid ah degaanada uu Maamulo Maamulkiisa.

Kismaayo ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qabaan qaabada ku aadan safarka Madaxweyne Axmed Madoobe,iyada oo uu marka hore tegi doono Magaalada Dooloow halkaas oo uu uga sii gudbi doono qeybaha kale ee Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe,ayaa kahor Safarkiisa waxaa uu ka qeybgeli doonaa munaasabad lagu furayo shirka dib u eegista Dastuurka oo Maanta ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa Dalsan u xaqiijiyay Goobaha uu booqan doono oo ay ka mid yihiin Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo  iyo deegaano kale oo ka tirsan ilsa Gobolkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media