Madaxweynaha Jabuuti oo qorsheynayo inuu dacwad ku soo oogo Shirkadda Facebook.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu Maxkamadda Sare ee dalka Ireland oo ku taalla magaalladda Dublin u gudbiyey qoraal ka dhan ah Shirkadda Facebook oo ka mid ah Isku-xirka Warbaahinadda ay Bulshadda ku xiriiraan.

Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday times ee dalka Britain ayaa shaacisay inuu Madaxweynuhu qarka u saaran yahay inuu Dacwadaasi u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dublin, inkastoo aysan kala caddayn waxa uu Madaxweynuhu ku dacwoonayo.

Madaxweynaha Jabuuti waxa uu kireystay Kooxda Qareenadda  ee Johnsons oo fadhigeeda ku yaallo magaalladda Belfast ee dalka Waqooyiga Ireland.

Paul Tweed oo xubin ka ah Qareenadda Johnsons waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, wuxuuna ku gaabsaday inay noqon karto mid aan munaasab ku ahayn in sidaas la sameeyo.

facebookDhinaca kale, Shirkadda Facebook kama hadlin qorshaha uu Madaxweynaha Jabuuti ku doonayo inuu Sharciga la tiigsado Shirkadda Facebook oo Xarunteeda Dhexe ku taallo Gobalka California ee dalka Maraykanka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo talada dalka Jabuuti hayey tan iyo sannadkii 1999-kii, waxa uu mar afaraad isku soo taagayaa Doorashadda Madaxtinimadda oo laqorsheynayo in loo codeeyo bisha soo socota ee April 8-da.

Xisbiyadda Mucaaradka ee Jabuuti waxay ku baaaqeen in la qaadaco Cod-bixintaasi, iyagoo ku andacoonaya in aan isbedel lagu samaynin Nidaamka Doorashadda.

Xigasho: thesundaytimes.co.uk

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor