Madaxweynaha Jabuuti oo mar 4-aad ku guuleystay Xilkaasi.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale loo doortay xilka Madaxweynimadda, kadib, markii uu ku guuleystay doorashaddii Madaxtinimadda ee shalay ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Geelle oo 59 jir ah waxa uu talada dalkaasi soo hayey muddo 17-sanno ah, iyadoo shalayna uu ku guuleystay inuu mar 4-aad sii hoggaamiyo Jabuuti.

Ra’isul-wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed oo ka hadlay Telefishinka Jabuuti ayaa sheegay in Musharaxa Xisbiga UMP, Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay Wareeggii Koowaad ee Doorashaddii shalay ka dhacday Jabuuti.

“Dadka Reer Jabuuti waxay raaceen jidka Caaqilnimadda, Nabadda, Ammaanka iyo Horumarka” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Jabuuti.

Ku-dhawaad 187,000 oo qof ayaa shalay codkooda ka dhiibtay Doorashadda Madaxtinimadad ee Jabuuti, inkastoo ay qaar ka mid ah Xisbiyadda Mucaaradka qaadaceen Doorashadaasi.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu xilka Madaxtinimadda dalka Jabuuti hayey  tan iyo sannadkii 1999-kii, markaasi oo uu doorasho uga guuleystay Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee ay Reer Jabuuti yeeshaan, tan iyo markii ay Gumeysigii Faransiiska ka xoroobeen sannadkii 1977-kii.

Waxaa Qoray: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor