Madaxweynaha Jabuuti iyo John Kerry oo ka wada hadlay La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweyne Ismail Omar Geelle iyo Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, Amniga Mandiqadda, La-dagaalanka Alshabaab iyo Xaalladda  Qaxootiga Yemen ee ku sugan dalka  Jabuuti.

Diplomaasi la socda John Kerry ayaa Warbaahinta u sheegay inay Madaxweyne Geelle iyo John Kerry ka wada hadleen xaalladda Somalia iyo qaabka looga guuleysan karo cabsida ay Alshabaab ku hayaan dalalka Gobalka.

“Jabuuti waxay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan sidii dib loogu riixi lahaa Xag-jirayaasha” ayuu yiri John Kerry mar ay  isaga iyo Saraakiil Jabuutiyaan booqdeen Masjid ku yaalla magaalladda Jabuuti.

Dhinaca kale, John Kerry waxa uu booqday Saldhigga Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Xeradda  Camp Lemmonier, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Kumanaan Askar Maraykan ah, kuwaasi oo u xil-saaran Hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaabka Somalia iyo Alqaacidada Yemen.

Dhinaca kale, John Kerry waxa uu Dowladda Jabuuti uga mahadceliyey taageeradda ay u fidinayaan 500 Muwaadiniin Maraykan ah iyo Kumanaan kale oo Qaxooti Yemeniyiin oo ka soo cararay dagaalladda weli ka socda Yemen.

John Kerry waxaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee maanta u ambabaxo caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad, kadibna waxa uu kaga sii gudbi doonaa dalka Faransiiska oo lagu qabanayo Shirweyne looga hadlayo Ammaanka Gobalka iyo dabaaldega lagu xusuusanayo dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee ka socday gudaha Qaaradda Europe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor