Madaxweynaha Jabuuti iyo Boqorka Urdun oo ka wada hadlay Khatarta Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda ku hayaan Somalia iyo Bariga Dhexe.

Boqorka dalka Boqortooyadda Haashimiyadda Urdun, Cabdalla Thaani iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Kulan Khaas ah ku yeeshay magaalladda loo dalxiis tago ee Caqaba ee dalka Urdun.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Xiisadaha ka taagan Gobalka iyo Caalamka, waxayna diirada si gaar ah u saareen Khatarta ay Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ku hayaan dalalka Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Caalamka oo dhan.

Wakaalladda Wararka dalka Urdu nee PETRA NEWS AGENCY ayaa sheegtay inay Madaxweyne Geelle iyo Boqor C/llaha Labaad si khaas ah uga wada xaajoodeen sidii la isaga kaashan lahaa Ammaanka Mandiqadda iyo Khatarta ay Argagixisadda iyo Fikradaha xagjirka ku hayaan Somalia iyo dalalka kale.

Kulanka Labada Hoggaamiye ayaa yimid, iyadoo Shir Madaxeed looga hadlayey La-dagaalanka Argagixisadda lagu soo gebagebeeyey magaalladda Caqaba ee dalka Urdun.

Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda ka soo qeyb gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi sare oo ka socda dalalka Kenya, Tanzania, Masar, Mareykanka, Canada, Yurub, Qaramada Midoobay, IGAD iyo ururro kale oo caalami ah.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey isku-dubbaridka, wada-tashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya caalamka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Kulankaasi, waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Boqorka dalka Urdun, waxaana kulankaasi lagu gorfeeyey dadaallada caalamiga ee socda ee looga hortagayo khatarta argagixisada gudaha iyo kuwa caalamka isaga goosha, iyo guud ahaan arrimaha caalamka.

Boqor Cabdalla ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisa uu taageero buuxda ee dhinaca amniga ah la garab taagan yahay Somalia.

©Radio Dalsan