Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadley fulinta baaqii Djibouti ee xoojinta AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya

Muqdisho, 14 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey fulinta baaqii ka soo baxay shirkii dhowaan ay dalka Jamhuuriyadda Djibouti ku yeesheen madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Waxyaabihi shirkii Djibouti ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka ayaa isku afgartey sameynta guddi si degdeg ah u hawlgeli doona oo qiimeyn iyo fulin ku sameyn doona waxyaabaha aasaasiga u ah ka guul gaarista hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan sidoo kale looga hadley sidii degaannada cadowga looga xorreeyo loogu fidin lahaa adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Difaaca iyo Amniga, S/Guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Siyaasadda, Dr Awees Xaaji Yuusuf , qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

AU 1 AU 3 AU 4 AU2 AU 6 AU 5

————–DHAMMAAD——–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor