Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo cumrada ku gudanaya Kacbadda Barakaysan

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta ku wehlisay Safarkii Hawleed ee uu ku tegay dalka Sacuudiga waxay xalay gaareen magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama, si ay ugu gutaan Waajibaadka Cimradda.

Madaxweynaha waxaa safarka cibaadaysiga ee ay ku joogaan Masjidka Xaramka ku wehliya Wasiirka Arrimaha dibedda, C/salaam Hadliye, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda, Mahad Maxamed, Xildhibaano iyo Safiirka Somalia u jooga Sacuudiga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay horey booqasho ugu soo mareen dalalka Djibouti iyo Uganda, waxaana lagu wadaa inay berrito dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdisho, haddii uusan isbedelin qorshaha booqashadooda.

© Radio Dalsan

MAKA 6

MAKA1

MAKA 3

MAKA 3

MAKA 6

MAKA 1

MAKA 8MAKA 1

 

MAKA 7

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor