Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha oo ka wada tacsideeyey geerida Wasiir ka tirsanaa Dowladdii KMG.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ahaa wasiirkii caafimaadka xilliyadii xukuumadihii ku meel gaarka.

“Innaa Lillahi wa inaa Ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim la wadaagaya qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahayna ha ka abaal mariyo wanaaggii iyo shaqadii uu qaranka u soo qabtey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaraaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsideeyey geerida Wasiirkii hore ee Caafimaadka, Marxum Dr. Aadan Xaaji Ibraahim.

Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku hadlayo magaciisa iyo kan Xukuumadda, waxa uu Tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim, wuxuuna xusay inuu Marxuumku door weyn ka soo qaatay dib-u-soo kabashada dalka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahiminuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor