Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlaamanka oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar

Muqdisho, 10 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii, Baarlamanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ka tirsanaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame uu ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga soo shaqeeyey dib u heshiisiinta, mar bandanna naftiisa ay khatar u gashey isagoo gudanayaa waajibaadkiisa qarannimo ee nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu qaranka u hayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Prof. JawaariDhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa muddooyinkan dambe.

‘’Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka’’. ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

—DHAMMAAD—

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor