Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda oo Kulan Degdeg ah ka yeeshay sida looga hortegi karo Falalka Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir guddomiyey  kulankii ay xubnaha  golaha Wasiirada ay xalay yeesheen.

Shirkaasi oo socday muddo dhowr saacadood, waxaa lagu go’aamiyey in  Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxda Alshabaab , kaasi oo ay horumuud ka noqonayaan Madaxda sare ee  dalka si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Shirka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda xalay yeesheen waxaa kaloo ka  qayb galay  Taliyeyaasha ciidanka Boliska, Nabad sugida iyo sirddoonka Qaranka  waxana looga dhagaystay  warbixinno la xariirta xaladda amniga dalka  iyo qaraxyada ka dhacay magalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee gobollada Benaadir iyo Bay.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir Mareeye  oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiir Maareeye waxa uu xusay inay Xukuumadda Federalka ka tacsideynayaan dadkii  xalay ku geeriyooday weerarkii ka dhacay magaalada Baydhabo, oo ay ku geeriyoodeen ilaa 30-qof oo uu ku jiray Wasiir-ku-xigeenkii   Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta ee Dowlad-gobaleedka K/Glabeed Somalia.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxyaddaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor