Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay inaysan oggolan doonin Cunaqabatayn lagu soo rogo Maamulkiisa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeell, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, wuxuuna eedda dusha kag tuuray Mas’uuliyiin uusan magacabin, kuwaasi oo uu xusay inay caqabad ku yihiin Horumarka Dadka iyo Deegaanadda Hirshabelle.

Madaxweyne Cosoble, waxa kale oo uu ka hadlay sababaha maanta loo joojiyey Diyaraadihii Qaadka ee ka shalay iyo dorraad ka degay Garoonka Jowhar, wuxuun xusay inuu baaritaan ku hayo Mas’uuliyiintii bixiyey Amarkaasi.

“Waxaan Telefoonka kula hadlay RW Kheyre, wuxuuna ii sheegay inuusan waxba kala soconin Amarka lagu joojiyey Diyaaradihii Qaadka ee ka degi jirey Jowhar” ayuu yiri Madaxweyne Cossoble oo intaasi ku daray inay dabagal ku hayaan Xafiiskii bixiyey Amarkaasi, lana xisabtami doonaan oo ay dacweyn doonaan.

Madaxweynaha Hirshabelle, waxa kale oo uu tilmaamay inaanan Maamulkiisa laga hor joogsan karin inay Dekedda Ceel-macan, Garoonka Jowhar iyo Cisaley ka soo degaan Badeecadah, wuxuuna tilmaamay inaan Maamulkiisa la duudsin karin Xuquuqdooda Dastuuriga.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inuu Maamulkiisa soo dhaweynayo Ganacsatada doonaysa inay adeegsadaan Garoomada iyo Dekeddaha Hirshabelle, loona fududeyn doono Adeegooda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media