Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Baladweyne

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxa qeyb ka ah xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxana Garoonka diyaarahada ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa ah sidee dadka reer Hiiraan uu ugu Dalban lahaa in maamulkiisa ay la shaqeeyaan iyo sidee Odoyaasha Gobolka Ugu Qeeyb Gale Lahaayen Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha taasi oo ka dhace doonto Magaalada Jowhar.

27 Bishan ayaa la filayaa in Magaalada jowhar lagu Caleemo saro Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare