Madaxweynaha Galmudug oo Maanta Lagu Caleyma Saari Doono Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarem Xuseen Guuleed ayaa Maanta lagu wadaa in lagu Caleemo saaro Magaaladda Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Xafladda caleemo saarka Cabdikareem Xuseen Guuleed waxa ka qeybgali doona Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud,Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Madax kale.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galguduud oo ah halka ay ka dhaceyso xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor