Madaxweynaha Galmudug oo ku laabtay Cadaado+Sawirro

Wafdi balaaran oo uu hogaaminanaayo madaxweynaha maamulka galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku laabtay Magaaladda Cadaado ee xarunta ku meel gaarka maamulkaasi.

C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdigiisa waxaa magaaladda kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi iyo qaar kamid Golaha wasiirada ,Xildhibaanada iyo qeybaha bulshada Galmudug.

Madaxweyne guuleed ayaa sheegay in go’aan wax ku ool ah uu kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee mudada seddaxda cisho ka socday Baydhabo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin dhaqan galinta waxyaabihii kasoo baxay shirkaasi oo ay ka mid yihiin arimaha doorashooyinka sanadka 2016-ka.

g1 g2 g3 g4

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor