Madaxweynaha Galmudug oo ku jira wadatashiyadii uu ku soo Magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa haatan la sheegay in uu Dhuusamareeb ka bilaabayo wadatashiyo ku saabsan soo Magacaabista golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Xaaf oo Safarkiisii Baydhabo soo maray Muqdisho ayaa kulamo watashi ah la qaatay waxgarad iyo  Siyaasiyiin iyo Madax Galmudug ka tirsan kuwaas oo aragtiyo kale ka qaba qaabka loo marey habka dhaqan galka heshiiskii Jabuuti,si xal looga gaaro dhaliilo ay ka tabanayaan Maamulka Galmudug.

Axmad Ducaale Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan laga sugayaa in uu soo dhiso Golohiisa Cusub ee Wasiirada,waxaan la filayaa in isla Maanta uu kulamo la qaato madaxda Sare ee Galmudug waxgaradka ka soo jeeda Galmudug si loo helo Wasiiro dheelitirin,isla markaana samatabxiiya Shacabka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa Golihiisa Wasiirada maadaama lag doonayo Gole Wasiiro cusub oo ka kala yimaada labada dhinac eek ala ah Ahlusunna oo Galmudug la midoowday iyo Galmudugtii hore,waxaan haatan dhuusamareeb laga dareemayaa wufuud halkaasi ku qul quleysa si ay uga mid noqdaan Golaha Wasiirada Cusub ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media