Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta tagaya Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud kadib markii shalay uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne xaaf,ayaa la qorsheeyay in saacadaha na soo aadan uu tago Cabduwaaq isagoona halkaasi kula kulmi doona Maamulka Magaalada iyo waliba sidoo kale waxgaradka ku nool isagoo kala hadli doona arimaha amniga iyo wada shaqeynta Shacabka degmadaas.
Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta Madaxweyne Xaaf,ayaa haatan ka socota Magaalada Cabudwaaq,waxana aad loo adkeeyay amaanka guud ee Magaalada Cabudwaaq iyadoo la arkayo Ciidamo amaanka xaqiijinaya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug dhawaana lagu Calaemo Saaray Magaalada Cadaado ayaa shalay lagu waday in uu tago Magalada Gaalkcyo balse uga baaqday sababo aan weli la shaacin,balse Maanta uu ku bedelay degamada Cabudwaaq.