Madaxweynaha Faransiiska oo kulamo la qaatay Dhaxal sugaha Sacuudiga

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulamo kula qaatay dalka Sacuudiga dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman.

Waa kulankii ugu horeeyay oo uu Maxamed bin Salman la yeesho mid ka mid hogaamiyayaasha waawayn ee reer-galbeedka tan wixii ka dambeeyay dilkii saxafigii Jamal Khashoggi.

Mar uu Mr Macron ka jawaabayay cambaareyn ay u soo jeediyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxaa uu sheegay in booqashadiisa aysan ka dhignayn in uu hilmaamay dilkii Khashoggi saddex sano ka hor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor