Madaxweyne Faranswa Hollande iyo Boqor Maxamedka Lixaad ee Moroko waxay xalay kulan ku yeesheen Qasriga MadaxtooyadaFaransiiska ee Elyasee Palace, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada waddan iyo Hawlgalkii Daacish ka geysteen magaalladda Paris. Dowladda Moroko waxay gacan ka geysatay sidii lagu heli lahaa ninkii ka dambeeyey Weerarkii Paris,C/xakiim Abacuudoo lagu naaneysi jirey C/xakiim Beljim,iyadoo ay Sirdoonka Moroko tilmaameen Dhismihii uu ku dhuumaalaysanayey Abacuud oo ku yaallay duleedka Paris. Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay C/xakiim Abacuud oo asal ahaan ka soo jeedo Moroko, iyadoo ay gabar ay ehel yihiin oo la oran jirey Sasna Ayt Baxasan is-qarxisay. Dhinaca kale, wiil la dhashay Abacuud oo lagu magacaabo Yaasiin ayaa waxa uu ku xiran yahay dalka Moroko, kadib, markii uu bishii hore ee October ka soo laabtay dalka Syria. © Radio Dalsan
Trending
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 7/08/2022
- Mareykanka oo war kasoo saaray Ansixinta Golaha Wasiiradda Soomaaliya
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 7/08/2022
- Booliska dalka Mareykanka oo ku wareersan cidda dishay dhallinyaro Muslimiin ah
- Ergeyga Abaaraha dalka oo Warbixin siiyey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka
- MW Xasan Sheekh oo Maanta dalka ka sagootiyey Safiir dhammeystay muddo xileedkiisa
- Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Balcad oo ka badbaaday Qarax lala eegtay
- Dowladda Ingiriiska oo War kasoo saartay Golaha Wasiirada Somalia ee Maanta la Ansixiyey
- Wararkii ugu danbeeyay Khasaaro ka dhashay Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Jowhar
- RW Xamse oo shaaciyey Arrimaha ay Xukuumaddiisa mudnaanta gaar ah siineyso