Madaxweynaha: “Falalka fuleynimada ah ee kooxda Al Shabaab ma hakin doonaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo argagixisada”

Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay si buuxda ugala qeyb qaadato waddamada gobolka dagaalka lagula jiro argagixisada Al Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya ,iyo tan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarka ay maanta kooxda Al Shabaab ku beegsatey ciidammada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in falkaasi fuleynimada ah aanu marnaba hakin doonin hawlagallada dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

“Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey iyagoo gudanayaa hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afjari doono. In xididdada loo siibo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya Soomaalya ,waxay gacan weyn ka geysan doontaa nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixisada naf la caariga ah laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

—- DHAMMAAD——

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so