Madaxweynaha: “Dowladda waxay ka shaqeyn doontaa sidii adeegyada bulshada dib loogu soo celin lahaa degmada Diinsoor, iyo degaannada kale”’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa sheegay in amniga uu weli yahay muhimadda koowaad ee dalka, loona baahana yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey magaalada Diinsoor ee gobolka Bay oo uu socdaal hal maalin ah shaley ku tagey, isagoo u hambalyeeyay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee dhowaan degmadaasi ka saarey kooxda nabad diidka ee Al Shabaab.

“Guushan ay gaareen ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaa uu ku yimid iskaashiga shacabka degaankan, waxaana loo baahan yahay in dagaalka meesha laga sii wado ilamaa kooxda cadowga laga saaro goobaha fara ku tiriska ah ee ay weli ku dhuumanayaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda oo kaashaneysa beesha caalamka ay ka shaqeyneyso in degaannada laga xoreeyay Al Shabaab, sida Diinsoor lagu soo celiyo adeegyadii asaasiga ahaa ee shacabku u baahan yahay.

“Waxaan shacabka degaankan u sheegayaa in dowladda ay gacan buuxda idin ku siineyso dib u soo celinta adeegyada muhiimka ee aad u baahan tihiin. Waxaad xaq u leedihiin inaad soo dhisataan maamul aad leedihiin, ciidamo amniga suga iyo dhammaan xuquuqaha kale ee muwaadin kasta oo Soomaali ah ay tahay inuu helo. Waxaa tani ay qeyb ka tahay siyaasadda dowladda ee baahinta xukunka ama federaaleynta’’.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Mudana Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan labada gole (Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka), qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

—DHAMMAAD—

unnamed
unnamed  3
unnamed  1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor