Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kumanaan dad weyne ah kala qayb galay xuska munaasabadda 1da Luulyo oo ka dhacday fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Mudane Xasan sheekh Maxamuud oo ay halkaasi ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo masuuliyiinta gobolka Banaadir, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay maantoo kale dalka iyo dadkuba u leedahay.
Waxa uu tilmaamay madaxweynuhu in qiimaha ay maanta u leedahay Bulshada ayan u muuqan da’yar badan isla markaana ay mudan tahay in loo sharraxo, iyagana looga baahan yahay iney ku weynaato dharaartan.
Munaasabaddan 56-guuradii kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobollada koofureen ee Soomaaliya iyo is raacii labada gobol ayaa madaxweynuhu hambalyo arrintaasi ku aaddan wuxuu u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Wuxuuna tilmaamay in maalmaha xorriya ee ay debaaldegyadooda socdeen todobaadna oo dhan ay tahay mid la doonayo in lagau dhammays tiro guulihii la soo gaaray oo ay horseed ka ahaayeen samir isu tanasul iyo wadajir.
SONNA/News