Madaxweynaha Dowladda Federalka oo sheegay in Maleeshiyadda Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu ka jeediyey Shirweynaha Ammaanka Caalamka oo haatan ka socda magaalladda M,unich ee dalka Jarmalka.

Waxa uu tilmaamay in Dagaalamayaasha Boko Haram marka lagu tababaro Somalia inay dib ugu laabtaan dalka Nigeria, halkaasi oo ka wadaan dagaallo ay ku beegsadaan Rayidka Nigeria.

“Deganaansho la’aanta Somalia, waxay saamayn doontaa Deganaansho la’aanta dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaa Qaaradda Afrika” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay inay jiraan Caddaymo markhaati u ah in mararka qaarkooda Maleeshiyadda Boko Haram lagu tababaray gudaha Somalia, kadibna ay ku laabtaan Nigeria.

Ma kala cadda inuu Madaxweynaha weli rumeysan yahay inay Alshabaab tababar siiyaan Dagaalamayaasha Boko Haram ee Isbahaysi la ah Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu sheegay in Kooxaha Argagixisadda isku xiran yihiin, isla markaana yihiin Ururo abaabulan.

Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in loo baahan yahay in ay Beesha Caalamka isku abaabulaan sidii looga hortegi lahaa Kooxahaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor