Madaxweynaha Dowladda Federalka oo Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan la wadaagay Farxadda 4-guuradii Asaaska Warbaahinta Dalsan Media

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Bahda Radio Dalsan dadaalka ay ugu jiraan Hawlaha Nabadaynta iyo Wacyi-gelinta Wanaagga Bulshadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo caawa Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inay Dhallinyarro Maskax Furan asaaseen Radio Dalsan, isla markaana ay  Hantidooda iyo Caqligooda geliyeenTaabagelinta Radio Dalsan, wuxuuna ugu hambalyeey Dabaaldegga 4-guuradii ka soo wareegtay markii la dhidbay Radio Dalsan.

Waxa kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqay Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan inay kordhiyaan dadaalkooda ay ugu adeegayaan Bulshadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyey guul iyo horumar waara.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u diray Ciiddanka Qalabka Sida oo uu tilmaamay inay guulo ballaaran ka gaareen Hawlgalladdii ugu dambeeyey ee ay la galeen  Alshabaab.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor