Madaxweynaha Dowladda Federalka oo ka soo laabtay shir ka dhacay Urdun.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga soo qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayey isku-dubbaridka, xoojinta iyo iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, waxaana intii uu halkaa joogey kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qeybgashey shir madaxeedka oo uu ka mid yahay Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla Bin Xuseen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo mas’uuliyiin kale.

——DHAMMAAD———

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor