Madaxweynaha: ‘’Dhalinyarada waa inay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska iyo soo celinta sharafta iyo karaamada dalka”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galey munaasabad ballaaran oo lagu xusayey maalinta dhalinyarada caalamka, oo lagu qabtey xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyo u direy dhammaan dhalinyarada caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya oo uu sheegay in laga sugayo inay wax ka beddelaan xaaladda dalka ka jirta.

‘’Dhalinyarada waa udub dhexaadka dowladnimada cusub ee Soomaaliyaa. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada. Haddii horey loo rumeysnaa in dhalinyarada ay qeyb ka qaateen burburinta waddanka, maanta waxay haystaan fursad dahabi ah oo ay gacan uga geystaan dib u dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya beesha caalamka ku lahayd’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen argagixisonimada, burcad badeedka iyo tahriibka, waqtigan la joogana ay dhalinyaro badan u istaageen ciribtirka falalkaasi.

“Dhalinyaro badan oo horey loo duufsadey ayaa ka soo noqdey argagixisonimada, doorteyna inay shacabkooda dhinac ka raacaan, waxna u qabtaan dalkooda. Sidoo kale falalki burcad badeednimada ayaa si rasmi ah looga ciribtirey dalka, waxaana taa mahaddeeda iska leh waalidiinta, culumada diinta, ururrada bulshada,dowladda iyo shacabka oo iska kaashadey sidii loo joojin lahaa falalkaasi xun xun’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay nolol wanaagsan ka sameyn karaan gudaha dalkooda, kheyraadka waddanku uu leeyahayna uu saamaxayo in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay nolol wanaagsan helaan.

“Waddankan waxaa uu leeyahay kheyraad kala duwan oo bad iyo berriba leh. Geesinimada iyo dhiiranaanta ay dhalinyarada ku tahriibayaan ha loo weeciyo in dalka looga shaqeeysto. Ma jirto sabab ay noloshooda khatar ugu geliyaan badaha. Waa inaad gacan ka geysataan nabadeynta dalka, xooggana aad saartaan waxbarashada iyo inaad xirfadleyaal noqotaan. Si waddanka looga dhiciyo kooxaha dembiileyaasha ah ee dalalkooda ka soo haajirey, waa inaad dowladda iyo laamaha amniga gacan ku siisaan sidii loo ciribtiri lahaa Al Shabaab iyo kuwa la midka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga dalka uu ka soo reynayo, isla ,markaana barnaamijka dowladda ee baahinta maamulka uu horseedi doono in la helo mas’uuliyiin lagala xisaabtamo xaaladaha ka jira qeybaha kala duwan ee waddanka, kooxaha argagixisada ee isugu jira Soomaalida iyo ajaanibtuna ay weyn doonaan goobo ay ku dhuumaaleystaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda iyadoo ka duuleysa muhimadda dhalinyarada ay gacanta ku haysto diyaarinta siyaasad qeexeysa doorka iyo waxa laga filayo dhalinyarada inay ku yeeshaan bulshada.

Madaxweynaha ka hor waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

IB0A1350
IB0A1545
IB0A1610
IB0A1456
IB0A1720
IB0A1955

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor