Madaxweynaha DFS oo Booqasho Rasmi ah ku jooga Dalka Kenya

Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 3 maalmood.

Madaxweynaha waxaa gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirro kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Khamiis ah la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay yeelanayaan ganacsatada labada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

>DHAMMAAD<-

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media