Madaxweynaha: “Deg-deg ha loo joojiyo dagaallada soo noqnoqday ee gobolka Shabeellaha Hoose’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamey dagaallada soo noqnoqday ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfuurta Soomaaliya.

“Soomaaliya nabad ayay u ooman tahay, mana jirto sabab shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in deg-deg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay ogaadaan in lala xisaabtamayo’’.

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka Koonfuur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in gobolka Shabeeellaha Hoose ay horyaallaaan hawlo adag, sida dagaalka gobolka looga sifeynayo haraaga Al Shabaab iyo adeegyada aasaasiga lagu baahiyo degaannadaasi, xilliganna aan loo baahneyn colaad shacabka dhexdiisa ah.

© Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor