Madaxweynaha dalka Turkiga oo gaaray Magaalada Abuja

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa  gaaray Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria, socdaal kooban oo uu ku marayey saddexda dal ee Angola Togo, iyo Nigeria.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nnamdi Azikiwe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Geoffery Onyeama, Wasiirka Caasimadda Federaalka Muhammad Musa Bello, Safiirka Nigeria u fadhiya Turkiga Ismaaciil Yuusuf Abba iyo Safiirka Turkiga ee Nigeria Hidayet Bayraktar.

Dadka la socda madaxweynaha waxaa ka mid ah marwada koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Fatih Donmez, Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Wasiirka Ganacsiga Mehmet Mus, Omer Celik, Afhayeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga (AK) Party, AK Party Guddoomiyaha Arrimaha Dibadda Efkan Ala, Agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun iyo afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin.

Turkiga ayaa horrey mashaariic waaweyn uga hirgaliyay waddamada ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ghana, Ruwanda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor