Madaxweynaha dalka Sudan oo booqasho ku imaan doona Somalia.

Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa oggolaaday inuu booqasho ku yimaado caasimadda Somalia ee Muqdisho, kadib, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed ku casuumay inuu soo booqdo Somalia.

Madaxtooyadda Sudan ayaa sheegtay in xilliga ay booqahadaasi dhici doonto looga tashanayo Toobiyaha Diplomaasiyadda, isla markaana ay Wasaaraddaha Arrimaha Dibedda ee labada dal isla dejin doona xilliga uu Madaxweyne Albashiir booqasho ku imaan doono magaalladda Muqdisho.

Booqashaddan ayaa dhici doonta xilliga ugu dhow uguna macquulsan, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyadda Sudan.

Labada Madaxweyne  waxay xalay Kulan Khaas ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum, waxayna ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Walaaltinimo ee labada Waddan.

Kulanka Labada Madaxweyne waxaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 16 qoddob oo intooda badan diiradda lagu saarao Xoojinta Xiriirka Labada Dowladooda, Amniga, La-dagaalanka Xagjirka, Argagixisadda, Tahriibka iyo in la kobciyo xiriirka dhinacyadda Dhaqanka iyo Waxbarashadda ee labada dal.

Dhinaca kale, Wafdiga la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waaxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa’”, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka (NISA), Jeneral C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo La-taliyayaasha Madaxweynaha Somalia ee dhinacyadda Amniga Qaranka, Jeneral C/raxmaan Ciise iyo Siyaasadda, Aweys Xaaji Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Cali Maxamed Cumar.

@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor