Madaxweynaha ayaa soo gebagebeeyay shirka dib u heshiinta Beelaha Gobollada Dhexe ee Dhuua Marreeb

header 2

Madaxweynaha ayaa soo gebagebeeyay shirka dib u heshiinta Beelaha Gobollada Dhexe ee Dhuua Marreeb

Dhuusa Marreeb, April 8, 2015 – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku dhawaaqay in caasimadda Dowladda Gobollada Dhexe ay noqon doonto magaalada Dhuusma Marreeb, shirka lagu unkayo Dowladda Gobollada Mudug iyo Galgduudna uu ka furmi doono magaalada Cadaado 11-ka bishan April.

Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyay magaalada Dhuusa Marreeb wuxuu si rasmi ah isla maanta u soo gunaanaday shirkii dib u hesiinta ee bulshada Gobollada Dhexe oo in mudda ahba ka socday xarunta Gobolka Galguduud.

Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in dib u heshiinta iyo isqaddarinta beelaha degaanku ay tahay howl u baahan in la joogteeyo oo la sii horumariyo.

Go’aanka uu Madaxweynaha, sacab xoog leh ayay ku soo dhoweeyeen Dadweynaha goobjoogga ka ahaa madasha uu Madaxweynuhu ka jeediyay hadalkan

DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor