Madaxda Warbaahinta Muqdisho oo Kormeeray Xarumaha Turkiga uu Mashaariicda ku bixiyay

 

 

 

 

 

Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta kormeereen meelaha qaar ee Dowladda Turkiga iyo Hey’addeheeda ay mashruucyada ka fuliyeen ee Muqdisho.

Goobaha la kormeeray waxaa ka mid ahaa Isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfeer iyo sidoo kale Isbitaal cusub oo loogu tala galay Hooyada iyo Dhalaanka oo laga dhisay  inta u dhexeysa Dakada Muqdisho iyo Dugsiga Gen Kaahiye kaasi oo dhawaan xariga laga jaridoono.

Agaasimaha Isbitaalka Erdogan Xuseen Nuur Muxamed oo si gaar ah ula kulmay Madaxda Warbaahinta ayaa waxa uu uga jawaabay Su’aalooyin dhowr ahaa oo saxaafadu ay ka weydiisay qaabka shaqada iyo hadalheynta Bulshda soomaaliyeed ee Isbitaalka Ex Digfeer.

Agaasime Xuseen ayaa sheegay in Isbitaalka Bukaanada uu aad ugu dhimay lacagaha laga qaado, isagoona si gaar ah u tilmaamay lacagta ay qaadaan Isbitaalada Dalka Turkiga ay aad uga yartahay mida ay ka qaadaan Bukaanada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Agaasimaha  waxa uu sheegay in hada la joojiyay  lacago laga qaadi jiray dadka booqdayaasha ah ee isbitaalka taga.

Dhanka Kale waxaa gaba gaba maraya Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Yardimeli Hospital oo turkidu ay gacanta ku hayaan lana filayo in dhismahiisa uu soo gaba gaboobo mudo 3 bil ah kadib.

DSC02031 DSC02032 DSC02037 DSC02041 DSC02042 DSC02063 DSC02068 DSC02079 DSC02100 DSC02132

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor