Madaxda Puntland oo ka shiray Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee M/Garoowe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Puntland ay Galabta ka shireen safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku teagayo deegaano ka tirsan Maamulkaas.

Kulankooda ayaa waxa ay kaga hadleen laba qodob oo kala ahaa sidii marka hore loo soo dhaweyn lahaa wefdiga madaxweyne Farmaajo iyo qorshihii ay Puntland hordhigi laheyd.

Sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland kuwaas oo lagala hadlayay sidi ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga maadaama Puntland uu Maalmo joogi doono Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray sida aan Wararka ku heleyno qodobo dhowr ah kuwaas oo diirada lagu saari doono amniga iyo qorshaha Puntland ay kala hadli doonto Madaxweyne Farmaajo.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu u ambabaxo Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu maamuusayo 4 Sano guuradii ka soo wareegtay Maalintii la doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8/1/2018.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media