Madaxda Puntland: Ilaaliya Danaha Qaranka, oo joojiya Xasaasiyadda Qaran-dumiska

Ixtifaalaadka lagu weynayayo Xorriyadda Goballadda Koonfurta iyo Israacii Midnimadda ee Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia ayaa waxay Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ugu dabaal degayaan si qiiro Waddanimo leh, waxayna isugu bogaadinayaan Maalinta Qiimaha u leh Ummadda Soomaaliyeed.

Hilowgii Walaalaha Soomaaliyeed ee ay ugu midoobeen sidii loo dhisi lahaa Dalka Somalia ayaa waxay horseeday Midnimadda haatan lagu caano maalayo, inkastoo ay Ummadda haatan wax kala tebanayaan.

Farxadda Maalinta Istiqlaalka iyadoo lagu guda-jiro ayaa waxay Maamulka Puntland jeediyeen Khudbado lagu carqaladeynayo Munaasabadda 1-da Luulyo, isla markaana lagu soo bandhigay Farriin qaldan oo looga been sheegay Rabitaanka Ummadda ku nool Goballadda W/bari ee Somalia.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar “Cameey” ayaa si mutaxan u jeediyey Khudbad aan munaasab ku ahayn Dabaaldegga Xorriyadda Kowda Luulyo, waxayna muujiyeen hadal-siyaasadeed kulul oo lagu laray cadiifad xooggan, laguna muujiyey farriin Qaran-dumis ah.

Labadaasi Mas’uul waxay khudbadahooda culayska ku saareen inay Eedeymo saf-mar ah u jeediyaan Dowladda Dhexe, Ergayga QM ee Arrimaha Somalia iyo dhismaha Dowlad-gobaleedka  Goballadda Dhexe ee haatan lagu yegleelayo magaalladda Cadaado.

Madaxda Puntland, waxay  Khudbaddii Munaasabadda 55-guuraddii  u weeciyeen inay Ummadda ku abuuraan Walaahow iyo Xiisad aan jirin, waxaana u sii dheer iyagoo sheegay inay tixgelin doonaan Rabitaanka Ummadda ku nool Goballadda W/bari.

Hadalladda Madaxda Puntland waxaa si kulul u naqdiyey Siyaasiyiinta iyo Waddaaniyiinta Reer Puntland oo iyagu u arka in Khudbadahaasi ahaayeen kuwo xasaasiyad ballaaran xambaarsan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo  isagu mar xilka Ra’isul-wasaaraha Dowladdii KMG ee Somalia soo qabtay ayaa waxa ku habboonayd inuu Lahjad Siyaasadeed adeegsado, inkastoo uu adeegsaday hadallo xanaf miiran oo sumcad-beel u ah isaga iyo Hoggaankiisa.

Waxa uu Khudbadiisa Madaxweyne C/weli Gaas ad uga baroortay Dhismaha Maamulkaasi oo u arko wax shar ku ah Maamulka Puntland, wuxuuna ku eedeeyey Dowladda Federalka inay ka dambeeyaan Qorshaha ay dadka deggan Goballadda Dhexe ku dhisanayaan Maamulkaasi.

Madaxweyne Gaas waxa uu khudbadiisa maanta ku sheegay in Xuduudka Puntland inuu ku eg yahay Degmadda Cadaado, waxaana taasi laga dareemi karaa in xasaasiyad iyo cuqdad la kala dhex gelinayo Beelaha ku wada nool Goballadda Dhexe iyo W/bari Somalia.

Xifiltanka Siyaasadeed ee Puntland kaga soo horjeedo Dowladda Federalka ayaan ahayn mid ugub ah, waxayna Maamulka Puntland u joogto noqotay Mucaaraddada Dowladda Somalia.

Madaxda Puntland waxay kaloo jahwareer ka qaadeen Beelaha deriska la ah Puntland ee guddoonsaday inay Maamul-gobaleed Nidaamsan dhistaan, si ay uga mid noqdaan Dowlad-gobaleedyadda ku mideysan Dowladda Federalka Somalia.

Siyaasiyiinta sida hoose ula socda Arrimaha Maamulka Puntland ayaa tilmaamayo in  Khudbadihii  Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Cameey lagu hoosaasinayo Fashilka Tallaabadii ay Shirkadda Africa Energy Cooperation ku joojiyeen hawlihii ay Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga uga baarayeen Gobalka Nugaal.

Siyaasiyiinta waxay kaloo tilmaamaan in Gocashadda Maamulka Puntland asaas u tahay arrinkaasi,  maadaama la sheegay in ay Dowladda Federalka Somalia ay Shirkadaha Calaamiga ku wargelisay inay iyaga fasax ka qaataan haddii ay doonaayaan inay Shidaal ama Gaas ka baaraan guud ahaan Goballadda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland waxaa la gudboon inay Xal Diplomaasiyadeed ku xaliyaan Khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federalka, Beesha Caalamka iyo Maamulka curdunka ee laga dhisayo Goballadda Dhexe, isla markaana ay ka waantoobaan fal kasta oo horseedi kara burburinta Kalsoonidda Walaalaha deriska ah iyo Qaddiyadda Qaranimadda.

© Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor