Madaxda Maamul-gobaleedyadda oo qorsheynaya inay hal go’aan ka qaataan go’aankii DFS ee Khilaafka Khaliijka

Khilaafka ragaadiyey qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda ayaa waxa uu sara u qaaday Calawsanaanta Siyaasadeed ee ka dhashay go’aankii ay Dowladda Dhexe Federalka ka istaagtay Khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka.

Khilaafkaasi ayaana u muuqda mid dalkeenna Somalia ka dhigay qeyb ka mid ah dalalka uu loolanka ka dhexeeyo.

Madaxda Maamul-gobaleedyada ayaa rumeysan yihiin inay DFS taageertay Dowladda Qatar oo ay Isbahaysiga Sacuudiga xayiraadda saareen.

Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaa sheegay inaysan DFS ku raacsanayn Go’aanka Dhexdhexaadka, waxayna Isbahaysi la noqdeen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Saddexda Madaxweyne waxay socdaal dhaqaale-doon ku tageen dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo Madaxda dalkaasi u muujiyey inay taageersan yihiin Isbahsyaigood, kana soo horjeedaan dalka Qatar.

Wada-xaajoodkaasi ayaa la sheegay inay Madaxweynayaasha Gaas, Xaaf, Shariif Xasan ku soo heleen Abaalmarin Lacageed oo aan cadadeeda  la sheegin, balse laga dareemi karo sida ay Madaxdaasi ugu dhegan yihiin Mowqifka ay ku taageereen Isbahaysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka Mowqifka Madaxda Maamul-gobaleedyadda inay tahay mid saamayn ku yeelan karta Nidaamka Federalka iyo Awoodda Dowladda Dhexe ee Federalka.

Khilaaf xooggan ayaana weli ka taagan Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo K/Galbeed, waxaana uu Loolan Awoodeed iyo mid Maamul ka dhex bilowday Maamulka Galmudug.

Dhawaaqa ka soo yeerayo caasimadda KMG Galmudug ee Cadaado ayaana muujinaya inay Madaxdii Galmudug u kala jabeen 2 qeyb, kuwaasi oo ku hawlan Go’aano Xil-qaadis ah, waxaana ka sii darayso xaalladda marba marka ka dambeysa, mana muuqdaan ifafaalo ay Madaxdaasi ku gaari karaan Isku-tanaasul iyo Xeer Jajab.

Madaxweynaha Maamulka Jubbbaland, Axmed Madoobe oo Maamulkiisa weli ka badqaba Duufaanta Kacdoonka Khaliijka ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul-gobaleedyadda Kulan Wada-tashi oo uu gogosheeda dhigay magaalladda Kismaayo.

Kulankaasi ayaa waxaa oggolaaday inay ka soo qeyb galaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed ee uu Kacdoonku ku socdo iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana la filayaai nuu Kulankaasi ka furmo Kismaayo maalinta Arbacada ee soo socota.

Madaxda Maamul-gobaleedyada ayaa la filayaa inay Mowqif Mideysan ka qaataan DFS, isla matkaana ay bilaabaan Olole ka dhan ah Awoodda Dowladda Federalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay Dowladaha IGAD ku cadaadinayaan inuu joojiyo Kulankaasi, si ay IGAD galaangal ugu yeelato Dhexdhexaadinta DFS iyo Maamulladda Goballada qeybta ka ah Dowladda Federalka.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka Madaxda Maamul-gobaleedyada kuwo ay u muuqato Danaha Maamulkooda, balse aysan mudnaan u lahayn Go’aanadda Danaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Kismaayo ayaa laga filan karaa Isbahaysi weyn oo mucaarad ku ah DFS, isla markaana ay si mideysan ugu libin gaari karaan Danaha Taagan, gaar ahaan Khilaafka Khaliijka oo saamayn ku yeeshay Dowladda Somalia ee weli curdanka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media