Madaxda Israel oo sheegay inay Kenya ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha Isarel, Reufin Riflin ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ku soo dhaweynayey Qasriga Dowladda ee magaalladda Telefiif, wuxuuna tilmaamay inay Isarel ka taageerayso Kenya hawlaha ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweynaha Isarel, Reufin Riflin waxa uu sheegay inay Shacabka Kenya la wadaagayaan xanuunka Askartii Kenyanka ee lagu dilay weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Xeradda ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

“Israel waxay taaageeraysaa Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, oo aan ogaanay inay ka faa’ideysan karaan Gobalka iyo Caalamka oo idil” ayuu yiri Madaxweynaha Israel.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay labada Dowladood iska kaashan doonaan sidii loogu guuleysan lahaa La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Madaxda Israel soo cusbooneysiiyaan Ballanqaadkaasi, waxayna horey kaalin uga qaateen Arrimaha Sirdoonka, Hawlgalladda Milliteri  iyo qorshaha Derbiga ee ay Kenya kaga dhisayso xuduudka Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya oo ay Wafdigiisu ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda, Joseph Nkaissery iyo Amina Maxamed waxay Isniintii booqasho rasmi ah ku tageen Israel, iyagoo Madaxda dalkaasi la soo saxiixday Heshiisyo isugu jira Maalgashiga, Ganacsiga, Ammaanka, Caafimaadka iyo Beeraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor