Madaxda dowladda oo ka qeyb galay xaflad lagu soo xirayay Kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare (Sawirro)

Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay Kalfadhiga 1aad ee Golaha Aqalka sare.

Munaasabadan ayaa ka dhacday xarunta Aqalka Sare oo ku taal degmada Shibis, iyadoo lagu soo bandhigay heeso iyo suugaan kala duwan.

Waxaa xaflada ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Ra’iisul Wasaare Kheyre, kuxigeenkiisa, Xildhibaanada labada gole iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in howlo badan oo la taaban karo u qabsoomay Aqalka sare, isagoo xusay inay sameeyeen xeer hoosaadkii, iyo guddiyadii joogtada ahaa.

Waxaa uu sheegay Golaha Aqalka sare uu yahay baarlamaan ku cusub siyaasada, waxaa uu tilmaamay in horay uga soo qeyb qaateen doorashadii Madaxweynaha iyo tan hoggaanka Aqalka sare.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Aqalka sare uu ka qeyb qaatay howlihii gurmadka abaaraha, oo ay ugu deeqeen lacag gaareysa 33-kun oo dollar.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in labada Gole ee Baarlamaanka uu wada shaqeyn wanaagsan ka dhaxeeyo, isagoo xusay in markii la dhisayay shaki laga muujinayay in aanay wada shaqeyn karin labada gole

Jawaari ayaa sheegay in Guddiyada joogtada labada gole ay kulmi doonaan bishiiba hal mar, si ay isku weydaarsadaan howlaha ay hayaan.

Golaha Aqalka Sare ayaa galay fasax, waxaana uu soo laaban doonaa oo uu kalfadhigiisa labaad uu furmi doonaa 5-ta bisha July.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media